Qoysas ku sugan Gaalkacyo oo helay adeegyo la xiriira farsamada gacanta

Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi oo ay la socdeen xubno ka tirsan Hay’adda UN-OCHA  ayaa agabka farsamada gacanta u qeybiyay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku jira kaamamka magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in agabkaan  uu yahay bilow wanaagsan, wuxuuna hay’adaha samafalka ka dalbaday in loo soo kordhiyo qalabka farsamada gacanta,si ayuu yiri dadka barakacayaasha ah ay ugu maareeyaan noloshooda.

Qaar ka mid ah Qoysaska barakacyaashaa ee ku nool kaamamka Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyay qeybinta adeegyadaasi oo muhiim u ah nolosha .