TARABIYADDA CARUURTU WAA MID WAAJIB KU AH WAALIDKA DHALAY

Markii Ilaahey owlaad ku siiyo wiilal iyo gabdho waxay doonaan ha ahaadaane inta hore ee ee gogosha jiifaan ilaali nadaafadooda iyo dhibaatooyinka gaaraya inta ay dhabta hooyada ku jiifaan waxay haystaan sariir aan cidi la wadaagin.

Hooyadu waa dhaqtar gaarka ah oo aan marna ka faaruqin oo marna isha ka qaadin caruurteeda yar iyo waynba, aabuhu waa kormeerka guud iyo adeegaha qoyska ama reerka waxuu warbixin saacad walba ah la leeyahay hooyada guriga halka ay marayso xaaladda caruurta iyo hooyada lafteeda.

Aabaha gurigu waa mid ku howlan korinta caruurta maamulka guriga midka guud iyo midka hoose, waxa uuna xariir joogto ah la leeyahay hooyada guriga, waxaa kale oo uu kordhiyaa waxyaabaha aysan ogayn sida dharka iyo waxkasta oo dheeraad oo aysan ka filanayn iyo farxad u ah imaanshaha aabah.

Haddaba, aabaha wanaagsan iyo hooyada gurigu waxay wadaagaan farxadda iyo nolosha aduunka, waxay ka dhigan yihiin labo gacmood oo aan hagar lahayn oo howshana saas isugu dhiiba, aqlaaqda wanaagsan ee ku dhaqan ka habsamida qoyska kalsoonida ilmahooda.

Haddaba, gurigu haduusan lahayn aabo wanaagsan malaha rajo iyo nolol lagu hirto iyo iftiin, hooyada wanaagsan waxay talo la wadaagsan aabaha guriga iyo Meesha u uku hagayo toos naanteeda.

Haddaba, abaabinta caruurta hooyada dhashay hadaysan barin asluubta kala danbaynta kuna maa weelin hadalada wanaagsan ee ixtiraamka leh ma noqonayaan caruurta dhaqanka wanaagsan gudbisa naftoodaba iska daa.

Waalidkood uma soo hooyaan amaan iyo duco ee waxaa la yiraah inkaari ha ku dhacdee maxay u soo koriyeen ku waan waxaana soomaalidu ku maahmaahdaa haddaan ubadka hooyadu soo abaabisaa barin ma ogtahay asluub iyo edeb iyo wanaag maleh.

Hadaba, qoys kasta waxaa hogaan u ah hooyada iyo aabaha iyo tusaalaha caruurtooda ay ka qaadanayaan hadduu noqdo mid xun kama soo baxaayo abuur wanaagsan iyo aayatiin, soomaalida hidda iyo dhaqan uma aha inay caruurtood ku hor hadlaan hagahoodana ay ku dhacaan hadalo xunxun oo ka baxsan dhaqanka wanaagsan ee hiddaha ay u leedahay soomaalidu.

WQ Abwaan Gabayre