WALLEE 888-OTO OTOOY WAA LAGU TABAY?
Waxaan gocanayaa welina aan tabayaa amnigii berisamaadka, sida gaadiidka iyo isgaarsiintu isugu xirneyd, sida jawaab deg deg ah looga bixin jiray marka ay wax dhacaan, aaway gaadiidkii shabaqlaha ee meel walba taagnaan jiray, gaadiidkii 888 ee isgoys walba taagnaan jiratay, roondadii bidix iyo midigba isku dhaafi jirtay, wahey wax la arag waxaanse leeyahay tuugada iyo burcadda loo taag la’yahay Waa in xisaab adag la mariyaa iyo kuwa ku xad-gudba sharafta iyo karaamada Dumarka iyo Caruurta Soomaaliyeed.
Waa wax laga yaq yaqsoodo lagana argagaxo kana baxsan dhaqanka soomaaliyeed iyo diinteenna islaamka, waa arrin fool xumo ku ah sumacadda iyo jiritaankieenna ummadeed, waa ficil saqajaannimo ah oo u baahan in si deg deg ah wax loog aqabto lagaa suuliyo dalka.
Kuwa caadeystay ee ka tagey anshaxa suubanee ku saleysan soomaalinimada islaannimada kuwaasi wax faa’iido ah kuma laha bulshada dhexdeeda.
Hadda, intay ka gudbeen hooyooyinkii ayey caruurtii u dhigteen, waxaasi wax la maqli karo ama la qaadan karo marnaba maahan, xaqna uma laha inay ku sii dhax jiraan bulshadan daallan oo muddo aad ufara badan ku soo jiray fowdo iyo kala dameyn la’aanta .
Fiiri hooyadii suuq aadda jidkaa loo gelayaa, caruurtii dukaanka ama dugsiga loo diro lama hubo siday ku soo noqon doonaan.
Sidoo kale, kuwaa jidadka u taagan inay kaa dhacaan wixii aad maanta oo dhan soo xamaalaneysay.
Haddaba, kufsadaha iyo tuug shaqajaanka ku batay dalka waxaa loo baahan yahay in si deg deg ah loola xisaabtamo waxna looga qabto, waayo shacabka waxay u baahan yihiin nabad nolol iyo naxariis iyo in ay adeegtaan, maraan meeshay rabaan iyagoo xor ah.
Haddaba, tuugada iyo wasaaqiinta kale, waxay ka mid yihiin dhibaatada heysata dalka, waxaana hobboon in loola dagaalo sida cadowga oo kale.
Iyadoo horayba u jireen kuwo dhibaateynaya shacabka iyo horumarka dalka, ayaa haddana waxaa laga yaabaa in dalka uu ku laban yahay cudurka laayaanka ah ee Omicron virus.
Waxaan ciidamada booliska soomaaliyeed iyo dharcaddaba ka codsaneynaa in ay bulshada dhexgalaan kana soo dhex qabtaan kuwa dhibaateynaya.
Booliiska soomaaliyeed kuwa diidan sharciga iyo kala dambeynta waa inay u buufiyaan sida koroona VIRUS oo kale, waayo adiga waxaad tahay kii loo wakiishay amniga, si ay u helaan nolol raaxo leh nabadna ugu seexan lahaayeen wal wal la’aan guryahooda, adiga waa inaad u hurtaa naftaada, waa inaad u difaacdaa sida aad horeyba ugu soo dhaaratay difaaca dalka Iyo dadka.
Dimbiilaha haddaan la xanuunjin marka hore, kama cabsado marka dambe in uu geysto faldambiyeed kale, idinkuna waxba idiin ma arkayo.
Shacabku waa inay dareemaan dadaalka Ciidamada amniga kuwaasoo laga heli karo meel kasta oo bulshadu isugu timaado.
Haddaba, ciidamada waa inay ku roondeeyaan habeenkii iyo maalintiiba xaafadha dhexdooda si ay dadka u ogaadaan in aamankoodu sugan yahay.
Waxaa jiri jiray hadda ka hor in ciidamada Boolisku qaadan jireen hal bud oo keliya isla markaan soo qab qaban jireen tuugada iyo munaafaqiinta dheelmata.
Taasina waxaa keenayay kalsoonida iyaga laf ahaantooda lagu qabay.
Hadda oo ay si dhameystiran u hubeysan yihiin waxaa la rajeynayaa in ay ka wanaagsaan doonaan sidii waagii hore.
Haatanna waxaa laga sugayaa in ay dadka dhax galaan oo ay noqdaan shan xagga u socota iyo shan ka hortimaada oo rondo isku dhaafaya, waxaana loo baahan yahay in gaadiidka iyo ciidanka loo yaqiinno 888 ay gutaan waajibaadka dalka iyo dadka ka saaran, waana in la arkaa iyagoo habeen iyo maalinba taagan baraha loogu tala galay ee laga sugayo amaanka, si ay markiiba ula boodaan una raacdeystaan luquntana ugu soo dhegaan gaariga ku xad-guduba degenaashaha iyo amniga shacabka.
Sidoo kale, ay cashar u dhigaan kuwa mujrimiinta ah ee ka tegay Alle ka cabsiga banneystayna ku xad-gudubka, dumarkeenna, caruurteenna, dhiiggeenna iwm.
WQ: Osman Dhiblaawe.