Ma ogtahay oo ma aaminsan tahay in Allaah Swt, qeyb kuu siiyay dhulka geeska afrika ku yaalla ee la yiraahdo Soomaaliya, haddii aad sidaas rumeysan tahay ogow in aad tahay Soomaali dhab ah, muslim ah, leh dhaqan suuban iyo heybad.
Inkastoo dagaallo sukeeye ay sababeen qax tiro badan iyo barakac gudaha ah ayaa imanka waxaa dhammaaday dagaalladaasi sukeeye dad badan ayaa waxay ku andacoonayaan in Soomaaliya aysan ka jirin nabad, balse taasi waa wax kama jiraan, Soomaaliya waa nabad, waa xilligii dib loogu soo laaban lahaa.
Ninkii maciin mooday dhul shisheeye waa mid ka fog talasaaraashada Alle Swt, waana mid lunsan oo aan oran karno waa qof ay u muuqato hawa adduun oo keliya, ma ogtahay in Allaah Swt, uu arsaaqo bini’aadamka iyo noole kasta oo dhulka ku nool kolay ku tahay shimbiraha hawada duula qof kasta oo aminsan awooda Alle oo talo saarta ma hoogee ogow.
Sidaa darteed, noqo ruux ku sifooba ceynkaasi, marna haku fakarin sedbursi, hami adduun adigoo u galaya qiyaamo aadane iyo tahriib la isku biimeeyo iwm.
Aamin dhulkaaga, dalkaaga xaalad kasta oo uu kujiro, Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku xafidi kara farajna kuu fura.
Hadaba lama huraan waa dalkaaga hooyo, lama huraan waa cowska jilaal oo ah wadanka aad ku dhalatay kana soo jeedid wax kuu dhaama marnaba heli meysid.
Dal shisheeye waa dareen ku joog, sida owgeed iimaanso dalkaaga oo ku cab galas biyo ah.
Tan iyo intii ka dambeysay 1996,kii waxaa billaabmay dad ka hayaamaya soomaaliya markii ugu horreysay taariikhda soomaalida, taasoo dad badani ay u arkayeen isbeddal kacaan hanti wadaag ah ooysan markaasi la saan qaadi Karin.
Waxaa dalka ka dhoofay carabtii degganeed muqdsiho qaarkood, halka dhallinyaro badan ay shaqo u doonteen imaaraadka carabta iyo sacuudiga 1970—-80,kii. Markii dambe ayaa dhallinyaro badani dib ugu soo laabatay dalka ayadoo mehrado kala duwan furtay.
Dhallinyarada dalka ku soo laabatay ayaa guryo ka dhistay dalka ayagoona markaasi ku guursan jiray dibna u laaban jiray.
Kacaanka ayaa la ogaaday in uu ahaa mid ku tillaabsaday horumar mashaariic kala duwan leh iyo kor u qaadista kaabayaasha bulshada wax weyna uu ka qabtay dhismaha dalka, jidadka, warshadaha, caafimaadka, waxbarashada, xannaanada xoolaha, waxsoo saarka beeraha kalluumeysiga shaqo abuur, iskaashatooyin kala duwan ee gaadiidka qalabka dhismaha iyo ganacsiga.
Waxaa markaasi soo baxday in dalkaada wax kuu dhaama aysan jirin ku dhaqo kuna dhiso.
WQ: Osman Dhiblaawe