Guddiga xaqiijinta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Garbahaareey ee dhawaan uu magacaabay Ra’sulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha Jubbaland iyo guddiga ayaa isla gorfeeyay caqabadaha ku xeeran in gobolka Gedo lagu qabto doorasho iyo sida xal looga gaari karo.
Sidoo kale, Guddiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.
Guddiga, ayaa sidoo kale, waxaa lagu wadaa in ay tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada.