QM oo xaqiijisay dhimashada 227 qof oo rayid ah oo ku dhintay Dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan 227 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 525 kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, sida uu Arbacadii sheegtay hey’adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka Ruushka ee Ukraine, oo bilowday 24-kii bishii Febraayo, ayaa waxaa ka dhashay cadho caalami ah, iyadoo Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK, iyo kuwo kale, ay cunaqabateyn dhaqaale oo adag ku soo rogeen Moscow.

Wadamo badan ayaa sidoo kale hub siinaya Ukraine waxayna hawadooda ka xireen diyaaradaha Ruushka waxayna mamnuuceen warbaahinta dowladda Ruushka.