Shiinaha iyo kaalinta uu ka qaadan karo joojinta colaadda Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhigiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah ka yeeshay xaaladda dagaalka saameeyay dalka dhaca Yurubta bari ee Ukraine.

Wang ayaa u sheegay Kuleba sida ay ugu xun yihiin dagaalka ka socda dalkiisa isagoo u muujiyay sida ay ula dareemayaan dhibaatada heysata shacabka dalka Ukraine, sida ay tabisay wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dowladda Shiinaha.

Wada hadalkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo labadan mas’uul yeeshaan tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine sideed maalmood ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Dmytro Kuleba ayaa Shiinaha ka codsaday in ay Moscow ku cadaadiyaan sidii ay u joojin laheyd dagaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Mr Wang waxaa uu xusay in ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu joojin karo dagaalka lagu hoobtay ee Ukraine ka socda.

Todobaadkii hore Shiinaha ayaa ka aamusay codeynta qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo aad u sareeya, labadan dal waxay si weyn uga soo hor jeedaan siyaasadda dalalka reer galbeedka oo Mareykanka horumuud u yahay.