Xildhibaan gama’diid oo mar kale dib loo doortay

Baladweyne- Xildhibaan , Yuusuf Xuseen Axmed (Gamaadiid) ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#031 ee golaha shacabka BJFS, kaas oo ay maanta doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Mudane, Gamaadiid oo sidoo kale ah Wasiiru dowlaha wasaaradda caddaaladda ee XFS ayaa ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad ee uu waqtigu ka dhammaaday, iyadoo ay  gacan taag ah ugu codeeyeen dhammaan ergadii matalaysay xildhibaanka.

Kursiga Hop#031 ayaa ka mid ahaa kuraas horay loo shaaciyay balse uu ku yimid dib u dhac, ka dib muran ka dhashay  doorashadiisa.