Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Russia iyo Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelenskyy waxaa uu ku baaqay in hawada dalkiisa laga mamnuuco duulimaadka si loo joojiyo duqeymaha diyaaradaha Ruushka ku hayaan magaalooyinka dalka, balse Mareykanka wuu ku gacan seerey dalabkaas.

Ugu yeraan 70 askari oo Ukraine ah ayaa lagu dilay duqeyn Ruushka ka fuliyay saldhig ku yaala magaalada Okhtyrka, oo ku taala inta u dhexeysa Kharkiv iyo Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Dacwad oogaha guud ee Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC wuxuu sheegay in uu bilaabayo baaritaan la xiriira dagaalka Ukraine.

Wada hadalo heerkooda sareeyo oo u dhexeeyay mas’uuliyiin ka kala socday Ruushka iyo Ukraine ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Tirada dhimashada rayidka ayaa hadda mareysa 352 oo qof oo ay ku jiraan 14 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Ukraine.

In ka badan 520,000 oo qof ayaa ka qaxay dalka Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine lix maalin ka hor, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Xiriirada kubada cagta adduunka FIFA iyo UEFA qaaradda Yurub ayaa kooxaha iyo xulka qaranka Ruushka ka joojiyay ka qeybgalka tartamada ay maamulaan xiriiradaas.