Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha deegaanka ee Qaramada midoobay UNEA 5

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, agaasimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha deegaanka ee QM UNEA 5 oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasumadda dalka Kenya.

Qoraal ay dowladdu kasoo saartay shirka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirkan kasoo saarayaan ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya bed qabka deegaanka.

Shirkan inta uu socdo ayaa waxay wafdigu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arrimaha deegaanka, si loola tacaalo wax ka qabashada isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.