Wafdi ka socda Ruushka oo gaaray Belarus si ay wadahadal ula yeeshaan dalka Ukraine

Wafdi ka socda Ruushka ayaa gaaray Belarus si ay wadahadal ula yeeshaan Dalka Ukraine, sida uu afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay warbaahinta.

Wafdigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda madaxtooyadda Ruushka,Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo hey’ado kale.

Madaxweynaha Belarusia Alexander Lukashenko ayaa ku dhawaaqay Febraayo 26 in Minsk ay diyaar u tahay inay bixiso goob lagu qabanayo wada xaajoodka labadq Dal ee Ukraine iyo Ruushka.