Dagaalka Ukraine oo galay maalintii saddexaad

Dagaalka ka socda Ukraine ee ay wadaan ciidamada Ruushka, ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana sidoo kale dib u soo laabtay duqayntii ku socotay qeybo kamid ah Caasimadda.

Sida ay sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan halkaas, Rasaas xooggan iyo Qaraxyo ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah Caasimada gaar ahaan fagaaraha Independence ee bartamaha magaalada Kiev.

Ciidamada difaaca Ukraine ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada ku lahayeen meel ku dhow Kiev, sidoo kale ciidamada Ruushka ayaa sheegay in gantaallaha loo yaqaano Caliber, ay ku garaceen qeybo kamid ah Caasimadda Ukraine, kuwaasi oo ay ka soo tureen Markiib ku sugan badda madow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in caasimadda Ukraine ay ka jiraan Cunta yari iyo khalkhal dhanka Internet-ka ah.