Wararkii u dambeeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa amray in howlgal gaar ah ciidankiisa ku qaadaan dalka Ukraine Khamiista maanta ah si loo ciribtiro waxa uu ugu yeerey halist dhab ah.
Putin waxaa uu sheegay in u jeedkiisu yahay in ciidanka Ukraine hubka dhigaan isla markaana dalkaas laga sifeeyo xukunka naaziga.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo saaray xukun deg de ah ama martial law, sidoo kale baarlamaanka ayaa meel mariyay talaabadaas.
Ciidanka Russia ayaa Ukraine ka weeraray xudduudda dalka Belarus oo Ukraine deriska yihiin sidoo kale waxaa taageerey duulaanka Russia ciidanka dalka Belarus, duulaanka sidoo kale waxaa uu ka soo socdaa dhanka gobolka Crimea oo Russia kal hore la wareegtay, sidaa waxaa sheegay ciidanka ilaalada xuduudaha Ukraine.
Sidoo kale waxaa rasaas laga maqlayaa caasimada Ukraine ee Kyiv.
Ciidamada Ukraine iyo Russia duqeymo isku dhaafsanaya gobolka Lviv ee bariga Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu cambaareeyay duulaanka Russia ee Ukraine isagoo ku sifeeyay waxa aan marmarsiiyo laheyn, isagoo telefoonka kula hadlay dhigiisa dalkaas ee madaxweyne Zelensky.