Wasiirka Caafimaadka XFS oo xariga ka jaray qeyb loogu talagalay Carruurta oo laga hirgeliyay Cisbitaalka Martiini.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar iyo Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo laga dhisay Isbitaalka Martiini taasoo loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta iyo bukaanada la-ildaran nafaqa daradda,waxana dhisay Dowlada Qatar

Wasiir Fawziya Abiika iyo Safiirka Dowlada Qatar Xasan Xamza ayaa booqasho ku kala bixiyay qaybaha kala duwan ee xarunta oo loogu magac daray Al-Amal,

Wasiirka ayaa aad ugu mahadcelisay Dowlada iyo Shacabka Qatar iyo Qatar Charity oo qeeb wayn ka qaatay dhismaha xaruntaan cusub ee lagu dhisay Isbitaalka Demartino dhexdiisa.