QM oo cambaareysay dhaqdhaqaaqyada uu Ruushka ka wado bariga Yukurayn

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay xiisadda sii xumaaneysa ee Ukraine, kadib markii ay xukuumadda Moscow xalay u aqoonsatay gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine dalal madax bannaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaaqista madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee gobollada Donetsk iyo Luhansk ay tahay xadgudub aan loo meel dayin oo ka dhan ah madaxbannaanida Ukraine iyo wadajirkeeda dhuleed.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dadka dalkiisa aysan ka cabsanayn dhaqdhaqaaqyada Ruushku uu ka wado bariga Ukraine, saacado ka dibna ay ciidan geyn doonaan halkaas si ay nabada u ilaaliyaan.