Xildhibaan Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga 243 ee Gobolada Waqooyi

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#243

Musharixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen

  1. Musharax xildhibaan , marwo Samsam Muxumed Cumar
  2. Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim

Musharax Xildhibaan Marwo Dallays Cali ibraahim  ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.

Musharax marwo Samsam Muxumed Cumar ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 100 Ergay, waxa ayna heshay 98 cod, waxa ka aamustay 2 qof .

Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#243

Samsam Muxumed cumar