Xafiiska Hantidhowrka oo Sharci daro ku tilmaamay Heshiiska Wasaaradda Batroolka ay la gashay shirkadda Coastline

Lifaaqa hoose ka dheeho war-saxaafadeed uu Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka kasoo saaray heshiiska sharci darrada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Xafiiska ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan isaga oo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Xafiiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiska.