Wasiiradda Arrimaha dibedda Dalalka Iran iyo Jarmalka oo ka wada hadlay heshiiska Nuclear-ka

Wasiirrada arrimaha dibadda  Jarmalka iyo Iran ayaa ka wada hadlay heshiiska nukliyeerka iyo sidoo kale arrimaha labada dal, gobolka iyo caalamka, kulan ay ku yeesheen magaalada Munich sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Hossein Amir-Abdollahian ayaa u sheegay dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock in Iran ay weli ka go’an tahay inay heshiis ka gaadho wada xaajoodyada ka dhacaya Vienna haddii la ixtiraamo khadadka cas ee dalka iyo dalabaadka sharciga ah ee ay buuxiyaan dhinacyada kale, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Baerbock dhankeeda sheegtay in wadahadalada marayaan meel xasaasi ah iyo in dhammaan dhinacyada looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay marxaladdan uga gudbi lahaayeen wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah oo ay furaan cutub cusub.

afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price ayaa Arbacadii sheegay sheegay in wadahadaladu marayaan heer gabogabo ah.