Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada toddoba xildhibaan oo ka mid ah BFS

Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho doorashada toddoba xildhibaan oo maamulka Soomaaliland ku mateli doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanayaasha maanta la doortay ayaa kala ah ,xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed,xil  Nuuriya Aadan Ciise,xil  Maxamed Xasan Maxamed , xil  Faadumo Ismaaciil Xuseen ,xil  Sahra Yuusuf Cige, xil Caydaruus Saalax Yuusuf  iyo xil Nuuradiin Col-ujoog.

Kuraasta xildhibaannada aqalka hoose ee maamulka Soomaaliland oo ka kooban 46 ayaa waxaa ka harsan oo keliya saddex mudane , kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabto magaalada Muqdisho.