Samareeb oo saddex xildhibaan lagu doortay

Waxaa goordhow magaalada samareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka dowlad goboleedka Galmudug ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Samareeb ayaa kala ah, xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo horay ugu fadhiyay kursiga uu ku guuleystay ee Hop#147 , mudane Maxamed Xuseen Abuukar iyo xildhibaan, Cumar Cali Cabdi .