Mahad Salaad oo mar kale ka mid noqonaya Golaha Shacabka

Mahad Maxamed Salaad ayaa saaka mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP147 isagoo heley 101 cod ka dib markii ay tanaasushay murashaxii ka tartamayay, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada Galmudug.

Xildhibaan Mahad ayaa markii sadexaad kamid noqonaya xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.