UNICEF oo ku dhawaaqday in dalalka Geeska Afrika (Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya) ay wajahayaan abaar daran

Warbixin ay soo saartay heya’adda UNICEF ayaa waxa looga digay khataro ka dhalan kara abaaro daran oo ay wajahayaan dalalka Soomaliya,Kenya iyo Itoobiya warbixinta ayaa si gaar ah uga digaysa khatarta ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed halkaas oo la qiyaasayo in 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto gargaar oo deg deg ah.

Heya’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shan sano ay wajahayaan xaalad nafaqa darro oo halis ah,2.6 milyan ayaa u baahan gargaar biyo oo deg deg ah ayaa lagu yiri warbixinta iyadoo la sheegay in tiradu intaas kasii badan karto hadii abaartu sii xumaato.

Afhayeenka heya’adda UNICEF Victor Chinyama,ayaa tilmaamay in qiimaha biyaha ay sare u kaceen 72% taasoo keentay in ay sare u kacaan cudurada ay ka mid tahay Jadeecada,sidoo kale in ka badan 60,000 oo qof ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka, UNICEF waxa ay ku baaqday $48 milyan oo ay ku jiraan $ 7 milyan in si degdeg ah loo helo bisha Maarso si loo dalbado cunno iyo daawooyin.