Qaramada midoobay oo sheegtay inay ka walaacsantahay xiisada Ukaine oo sii kordhaysa

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si gooni gooni ah ula hadlay wasiiradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo colaadda Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay, madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii korortay iyo cabsida laga qabo isku dhac ka dhaca bariga Yurub.

Diblomaasiyadu waa habka kaliya ee masuulka ka ah, waxaan ku kalsoonahay in Qaramada Midoobay ay awood u leedahay oo ay tahay inay si firfircoon uga qayb qaadato dadaallada diblomaasiyadeed ee Ukraine iyo la-hawlgalayaasheeda si loo yareeyo xiisadaha, “ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Ukraine mar uu ka hadlayey xiisadan taagan.