Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar hogaaminta ku saabsan u furtay madax qeybeedyada iyo maareeyayaasha Mashaariicda

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo ay hoggaaminayso Dr Fawziya Abikar Nur ayaa maanta suutagalisay Tababar ku saabsan hoggaaminta shaqada oo loogu talagalay in lagu dhiso awoodda wadashqeynta kooxaha hoggaanka iyo horumarinta si ku dhisan wadashaqeyn, cadcadaan, daahfuran, is la xisaabtan, kalsooni, xiriir, iskaashi iyo hufnaan.

Tababarka ayaa loo qabtay Agaasimayaasha Waaxyaha, Madaxda Qeybaha iyo Madaxda Mashriicda Caafimaadka ee Wasaradda.

Tababarka ayaa lagu soo bandhigay tilmaamaha hoggaamiyaha guulaystay, fahamka shaqaalaha wax Soo saarka leh iyo kuwa ku sifooba waxqabad la’aanta; dhanka kale waxaa si faahfaahsan looga niqaashay xallinta khilaafaadka xili hore iyo in wax badan lagu gaaro wakhti kooban (Xeerka 80/20).