Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Mudane Asad Yusuf Qanyare, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mudane Najmudin Bilal.

Agaasimaha iyo Mudane Najmudin Bilal ayaa ka wada hadlay xoojinta adkeysiga iyo horumarinta isticmaalka nidaamyada dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dar dargaliyo mashaariicda horumarineed.