Xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Cusmaan Abii Bakar Maadey oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cabdullahi ) kana tirsanaa Nabad-diidka Alshabab ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad.

Cusmaan oo muddo saddex sano maleeshiyada ka tirsanaa ayaa ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool, wuxuuna sababta ku kaliftay inuu ka soo baxo Al-Shabaab ku sheegay dhibaato dhexdooda ka jirto iyo midda shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan.

Sidoo kale, Cusmaan Abii Bakar ayaa baaq u diray saaxiibadiisa wali ku jira safka nabad-diidka in ay ka soo baxaan oo qeyb ka noqdaan ciidamada xoogga ee difaaca adag ugu jira sharafka iyo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.