Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga Baladweyne

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga iyo taliyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa looga hadlay qorshe sugan oo lagu xaqiijin karo amniga iyo xasilinta magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne.