Wasiirka Awqaafta XFS oo ka warbixiyay safar shaqo uu ku joogo dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble, oo safar shaqo ku jooga magaalada Isparta ee dalka Turkiga oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha socdaalkiisa ee wadankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Isbaarta (Isparta) uu kula kumay madaxda ugu sareysa hey’adda Waqful Kheyraad oo ku dhawaad 50-sano ka shaqeyneysay Acmaasha kheyriga ah ee kaalmeynta dadka tabaaleysan.

Wasiir Cumar ayaa sheegay inay madaxda hay’addaas hordhigeen warbixin ku saabsan dhibaatada ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana ka codsadeen in gargaar deg deg ah ay hey’addu u fidiso dadka iyo duunyada ay gobollada dalkeenna abaarta daran ku heysato.

Dhanka kale, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya waxa uu sheegay inuu booqday Madbacada 2-aad ee ugu weyn caalamka, taas oo daabacda Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Madbacadaas ayaa ku taalla magaalada uu booqashada ku joogo ee Isparta.