Xildhibaanada maanta la doortay iyo magacyadooda.

Doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta ka socota magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe ayaa waxaa ku soo baxay ilaa 9 mudane waxayna kala yihiin.

Magaalada Baraawe waxaa saaka lagu doortay Aweys Xuseen Macalin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP080 ee oo horey ugu fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa.

Aweys waxa uu helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Maxamed Cusmaan Jibriil uu keensaday 20-cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada.

Cali Cabdi Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP271 ee golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Mudane Cali waxaa u codeysay 90 qof ka dib markii ay ka tanaasushay Fatxiya Obsiiye Waceys oo aheyd murashaxa la tartamayay Cali, sidaa waxaa ku dhawaaqay guddiga maamulka doorashada.

Cali Maxamuud Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP240 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Cali Maxamuud Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP240 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu heley 98 cod ka dib markii ay tanaasushay murashax Rooda Maxamuud Axmed oo la tartamaysay murashac Cali Maxamuud Aadan, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada.

Baraawe waxaa lagu doortay Cabdifataax Cabdulaahi Araye oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP173.
Magaalada Baraawe waxaa lagu doortay Cabdifataax Cabdulaahi Araye oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP173 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Cabduhaab Cali Axmed uu heley 16-cod

Baraawe waxaa maanta lagu doortay Maxamed Yuusuf Xasan oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP160.
Isla Baraawe waxaa lagu doortay Maxamed Yuusuf Xasan oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP160 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Cali Abuukar Maxamed uu heley 12-cod.

Baraawe waxaa lagu doortay maanta Cali Maxamed Sheekh (Cali Begedi)oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP250.
Doorasho maanta ka qabsoontay Magaalada Baraawe waxaa la doortay Cali Maxamed Sheekh oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP250 ee Golaha Shacabka BFS.

Cali waxaa uu heley 80 cod halka murashaxii la tartamayay oo ahaa Cabdala Maxamed Shariif uu keensaday 17 cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga maamulka doorasha

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay Muuse Siciid Jaamac oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP 263.
Muuse Siciid Jaamac ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 263 ee Solaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay Axmed Cabdi koshin oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP205.
Axmed Cabdi koshin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 205 ee golaha shacabka doorasho ka qabsoontay Muqdisho.

Cabdiqani Ismaaciil Siciid ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP241 oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.
Cabdiqani Ismaaciil Siciid ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP241 ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Cabdiqani waxaa hab gacan taag ah ugu codeysay dhammaan ergada oo aheyd 100 ka dib markii ay tanaasushay Ayaan Ismaaciil Cabdi, sida uu sheegay guddiga maamulka doorashada Soomaaliland.