Taliska Boliiska oo ka war bixiyey qarax ka dhacay Muqdisho

Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Col Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in dad u badan rayid ay waxyeello ka soo gaartay qaraxaas, isla markaana ay warbixin dhameystiran ka soo saarayaan.