Tirada kuraasta xildhibaanada maanta la dooran doono

Doorashada shan kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda gobolada waqooyi ee dalka ayaa maanta ka dhacaysa hoolka Dugsiga tababarka ciidanka booliiska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Kursiga #HOP205 oo lagu bilaabay doorashada shanta kursi ayaa waxaa ku tartamaya Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xuseen Faarax.

Waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin ka dib markii Muna ka tanaasushay tartanka, ergada dooranaysay kursiga oo aheyd 99 ayaa cod gacan taag ah ku doortay, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

Dhanka kale, doorashada lix kursi oo Golaha Shacabka kamid ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koofur Galbeed, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Waxaa si dar dar leh ku socota doorashada Golaha Shacabka oo hadda tirada la doortay ku dhowdahay 120 xildhibaan.