Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs; Fawziya Abiikar Nuur ayaa xarigga ka jartay qeyb cusub oo loo dhisay Hooyadda iyo dhallaanka Isbitaalka guud ee Martiini iyo sidoo kale bakhaarka kaydka daawada oo isaguna ah dhisma cusub.
Wasiirka Caafimaadka ayaa bogaadisay dedaalka ay maamulka Isbitaalka Martiini ku bixiyeen dhismaha xarunta Hooyadda iyo dhallaanka, waxayna sidoo kale shahaadooyin dhiirra gelin ah gudoonsiisay shaqaalaha ugu firfircoon qeybta lagu daweeyo Hooyada iyo dhallaanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale booqatay qeybaha Isbitaalka, iyadoo u kuur gashay adeegyada Caafimaadka ee uu Isbitaalka siiyo Bulshadda Soomaliyeed.