Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono degmooyinka ay abaarahu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay  abMasuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jir

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledweyne si looga hortago kuwa geysanaya fallaka amni darro.