Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay degaanno ka tirsan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyedd ee ku sugan degmada Garbahareeya ayaa howllgallo qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo

Ciidamada ayaa howlgalaka si gaar ah uga sameeyay degaannada, Doofaareey, Booco, Goora-dheer iyo degaanno kale halkaas oo argagixasada si dhumaleysi ah ay ku imaan jireyn islamarakana ay ku dhibateyn jireen dadka Shacabka ah.

Taliyaha Giutada 10aad ee qeybta 43aad Gaashaanle Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo faahiyay howlgalka ayaa sheegay in degaannada howlgalka ka sameeyeen ay ahaayeen kuwo mararka qaar lagu arki jiray Al-Shabaab, isla markaana ay Al-Shabaab, isaga baxeen markii ay ka warheleen in uu kusoo wajahan yahay howlgalka Ciidamada.

Taliyaha ayaa sidokale sheegay in Maleeshiyada ay Al-shabaab ay dhibaato ku hayaa dadka ku nool Tuulooyinka hoos yimaadi degmada Garbahareey kuwaas oo sida uu shegay hada ladhibateeysan Abaaraha ka jira deganadaasi.waxa una sheegay in ciidmada xoogga ay sii wadi doonaa howlgalada tan iyo inta argagxisada laga sifeeynayo deganadasi