Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar masuuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta madax ka socota maamul goboleed yada dalka safiirka mareykanka ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeybgalay,
Shirka inta uu socdo ayaa waxaa jiri doona doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono waxaana uu soconayaa muddo labba maalin ah.