Tabashadii ay qabeen qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan oo xal laga gaaray

Baladweyn- Afhayeenka madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa arrimaha bulshada ku sheegay in maanta xal laga gaaray tabashadii ay maamulka Hirshabeelle ka qabeen qaar ka mid ah dadka reer Hiiraan.

“Waxaa maanta heshiis rasmi ah laga gaaray tabashii ay ka qabeen beelaha qaar Dowlad goboleedka  Hirshabeelle, Odayaasha iyo waxgaradka beesha oo maanta kulan la qaatay Madaxweynaha  Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen waxa ay ka raalli galiyeen diidamadii ay qabeen iyo hadalladii ay warbaahinta la wadaageen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle , Yuusuf dabageed ayaa lagu wadaa inuu goordhow shir jaraa’id ku faahfaahiyo heshiiskii ay gaareen Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan.