Ra’iisal wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka horgagga macluusha iyo arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Ra’iisal wasaaraha ayaa  ergayga kala hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.