Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Baladweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyen ee Xarunta Gobalka Hiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, qaar ka mid ah maamulka Gobalka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Socdaalka uu madaxweyne Cali Guudaalwe ku tagay Baladweyne ayaa ku soo aadaya xilli lagu wado inay halkaas ka dhacdo qaar ka mid ah doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad.