Midowga Yurub oo cunaqabatayn ku soo rogay shan hoggaamiye oo ka tirsan milatariga Mali

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo ka tirsan Milatariga Mali, oo ay ku jiraan taliyayashii ku lugta lahaa afgambigii sannadkii hore,  kuwaas oo uu kamid yahay hoggaamiyihii milatariga Assimi Goïta.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano.

Sarakiishan ayaa waxaa kamid ah.

Choguel Kokalla Maïga, Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah

Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka ah

Col Ismaël Wagué, wasiirka dib u heshiisiinta iyo ninkii ku dhawaaqay afgambiga Ogosto 2020

Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan “Ben le Cerveau”

Ibrahim Ikassa Maïga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah.

Xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana sababay afgambigii dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo go’aanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.

Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala baxaan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.