Isku day inqilaab oo dad ku dhintay ayaa ka dhacay dalka Guinea-Bissau

Madaxweynaha dalka dalka Guinea-Bissau, Umaro Sissoco ayaa ka badbaaday isku day inqilaab oo ay isku dayeen saraakiil ka tirsan ciidanka, Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhinteen 11 qof oo isugu jira ciidanka militariga iyo dad rayid ah

Talaadadii ayey ahayd markii laga maqlay Rasaas xoog leh oo ka dhacaysa agagaarka madaxtooyda dalka Guinea-Bissau xili ay shirk u lahaayeen madaxweynaha iyo Raysal wasaraha dalkaasi.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa labaduba walaac xooggan ka muujiyay xaaladda.

Dalka Guinea-Bissau ayaa ah dal ay halakeeyeen isku dayada inqilaabka isagoo intii dalkaas xornimada qaatay ay ka dhaceen tiro ba ilaa sagaal inqilaab,Sannadkii 2009 madaxweynihii xilligaas ee Joao Bernardo Vieira ayaa lagu dilay weerar.