Waxaa sii adkaanayaa xaaladda biyo yirida ka jirta deegaanada gobolka Bakool .

Xilligaan lagu jiro waxaa aad u yaraaday helida biyo nadiif ah,  ceelal gacmeedyada magaalada Xuddur intooda badan wey gureen  waxa kor usocda qiimaha biyaha lakala siisto,  habeen iyo maalin.

 

ceelasha fara ku tiriska ah ee biyaha ku soo hareen safaf ayaa loo galaya,  xoolo ari iyo dameero u badan oo dhamaaday ayaa daadsan daafaha  magaalada,  ma ahan oo keliya magaalada Xuddur xaalada biyo yarida ee waxa ka siman degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool ka tirsan.

 

Waxaa lagu jiraa bilowga xilliga jiilaalka ah ma muuqato ceelasha  biyaha laga helayo in wakhti  dheer dabooli karaan baahiyaha biyo la’aaneed ee ka jirta magalada xuddur oo bulshada reer  Bakool ku sugan yihiin qaar kalena ku soo qul qulayaan.

 

haddii ceel  riig laqodilahaa waxa adag sida uu ku soo gaaro maadaama magaalada go’odoonsantahay, xaalada biyo yarida iyo abaarta waxay sababtay in barakacayaal cusub oo aad u xoogan soo gaaraan magaalada Xuddur asbuucaan  aanu ku jirno kuwaa soo  fariisimo cusub ka samaysanaya  banaanka magaalada.

 

Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegey in kamaamul ahaan xaalada jirta waxba ka qaban karin sidii magaalo go’doonsan umaamulayaana aad ugu dedaaleen ayna usii wadi doonaan,  waxayna  baaq u direen dowlada Koonfur  Galbeed iyo dowlada dhexe in  si deg deg ugu soo gurmadaan dadka abaartu saamaysay, maamulka waxay  intaas ku dareen in  qorshaha ugu muhiisana ay tahay  in argagaxisada laga xorreeyo goobaha ay  kaga sugan yihiin gobolka Bakool.