Wasiirka arrimaha dibadda JFS oo ka qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda JFS Mudane Cabdi saciid Muuse Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha 40-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika.

Shirkaan oo looga hadlayo muddada uu socdo arrimo badan oo muhiimad gaar ah u leh Qaaradda Afrika ayaa maanta waxaa ka qeyb galay furitaankiisa Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Afrika.