Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Muqdisho & Garoowe

Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay Magaalooyinka Muqdisho & Garoowe ku kala qabanayaan doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Guddiga Maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo loo diiwaangeliyay musharrixiintii ku tartami lahaa.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana kuraasta la qabanayo ku tartami doono masharaxiin dhowr ah.