DG Puntland oo xukun kuriday rag ku eedaysan falal Argagixiso

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa xukuntay shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddan ay intii u dhaxaysay 2017 illaa 2021 dilal badan ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana xukumanayaasha lasiisay racfaan 30 cisho ah, si ay u qabsadaan qareenno difaaca haddii aysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday.