Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo booqanaya Turkiga

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Turkiga sida ay sheegtay agaasinka isgaarsiinta ee dalkaasi.

Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, labada mas’uul ayaa kawada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah Horumarradii ugu dambeeyay ee laga gaaray arrimaha Bariga Mediterranean-ka iyo Bariga Dhexe, iyo arrimaha caalamiga ah oo sidoo kale aysan ka marneyn wadahadalka labada masuul, sida lagu xusay warbixinta.