Wasiirada arrimaha dibadda Faransiiska iyo Jarmalka oo safar ku tagaya caasimadda Ukraine

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa lagu sheegay in Jean-Yves Le Drian iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ay booqan doonaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, 7-8-da Febraayo.

Ruushka ayaa dhawaan tobanaan kun oo ciidamo ah ku ururiyay meel u dhow xudduudda bari ee Ukraine, taasoo keentay cabsi laga qabo in Kremlin-ka uu qorsheynayo weerar kale oo militeri oo ka dhan ah dalka Ukraine, dhinaca kale Moscow ayaa beenisay inay isku diyaarinayso inay duulaan ku qaado, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay halkaas u joogaan dhoolatus militari.

Faransiiska, oo hadda haya hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa wacad ku maray in Midowga Yurub uusan ka waaban doonin inuu ku soo rogo cunaqabatayn ka hortag ah haddii Ruushka uu wiiqo madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine.