Shacabka Galmudug oo looga baaqay in ay ciidamada xoogga ku garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka ayaa ciidanka qalabka sida ee Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jira argagixisada ku wareejiyay deeq iskugu jirta xoolo iyo raashin kala duwan oo dhiiri-galin u ah ciidanka.

Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Gor Gor ayaa ka guddoomay madaxda deeqda xoolaha iyo raashiinka isugu jira ee loogu talagalay in lagu dhiira-geliyo ciidamada si ay u sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug in ay ciidanka ku garab siiyaan sidii looga adkaan lahaa kooxda caadeystay daadinta dhiigga shacabka muslimiinta ah.