Shir weynaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka sannadkeedka Garsoorka Dalka oo sannadkii afaraad la qabanayo ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeybgalayaan dhamaan bahda Garsoorka dalka.

Furitaanka Shiraka ayaa waxaa ka qeeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxa looga hadlaa guulaha uu gaaray Garsoorka dalka iyo gaabisyada uu sameeyay sanadkii la soo dhaafay.