Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameyeen Galmudug ku dilay Maleeshiyaad katirsan argagixisada

Ciidamadda Xoogga Dalka iyo NISA ayaa bariga magaalooyinka Dhusamareeb iyo guriceel howlgallo ay ka fuliyeen ku dilay inka badan 20-maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaan iyagoo gacanta ku dhigay walxaha qarxa oo Nabadiidka ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka somaliyeed.

Xubnaha la dilay ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale, sidoo kale ciidanka Qaranku waxay fashiliyeen qaraxyo ay kooxdu dooneysay inay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii ugu dambeeyay kordhiyeen howlgalada ay ku baacsanayaan argagixisada taasi oo keentay inay ku guuleeystaan kahortaga qaraxyo ay argagixisadu rabtay in shacabka ay ku waxyeleyaan