Cabdinuur Cali Aadan oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Musharax Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP028 kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed.

Ergada kursigaas HOP028 ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey Cabdinuur Cali Aadan, waxaan ku dhawaaqay natiijada kursigaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.